Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaSacuudiga iyo wadamo kale oo oo ku dhawaaqay curashadda bisha Ramadan

Sacuudiga iyo wadamo kale oo oo ku dhawaaqay curashadda bisha Ramadan

Waxaa sidoo kale aragtidda bisha barakeysan ee Ramadan ku dhawaaqay dalal kale oo muslimiin ah oo ay ka mid yihiin Cumaan, Baxreyn iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Sacuudi Carabiya ayaa ku dhowaaqday in berri oo Sabti ah, 1-da March ay tahay maalinka koowaad ee bisha Ramadan, kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay dalkaas.

“Bisha Ramadaan ayaa laga arkay Sacuudi Carabiya, waxaana sidaas darteed Ramadaan 1446 uu bilaabanayaa caawa,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal la soo dhigay barta ay labada Xaramayn ku leeyihiin Twitter.

“Allaha ﷻ ha naga aqbalo soonkeena, salaadeena, iyo dhammaan cibaadooyinkeena. Ha inagu gallado oo ha inasiiyo awood aan si wanaagsan ugu faa’iidaysano daqiiqadaha qiimaha leh ee bishan barakaysan, annaga oo ku dadaalaya camalka uu raalli ka yahay. Aamiin.”

Kadib markiii la arkay bisha cusub fiidnimadii Jimcaha, Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa shaacisay in bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ah bisha 9-aad ee taariikhda Hijriyada Islaamka, ay bilaaban doonto Maarso 1, oo ku beegan Sabtida.

Dhalashada bisha cusub ayaa laga arkay goobaha la socodka cirka ee dalka, oo ay ku jiraan xarumaha Sudair iyo Tumair.

Maxkamadda Sare ayaa Khamiistii ku baaqday in dhammaan Muslimiinta ku sugan Sacuudi Carabiya ay fiidnimada Jimcaha raad raacaan bisha Ramadaan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in qof kasta oo arka bisha Ramadaan, isagoo adeegsanaya indhihiisa ama daawadayaasha (binoculars), uu la xiriiri karo maxkamadda ugu dhow si uu uga marag furo, ama uu la xidhiidho xarunta ugu dhow si loogu hago maxkamadda u dhow.

Guddiga raadinta bisha Sacuudiga ayaa si joogto ah u kormeera cirifka bisha maalmo ka hor taariikhda la filayo ee Ramadaanka, balse waxa ay dhiirrigeliyeen Muslimiinta kale ee doonaya inay bisha arkaan in ay isku dayaan.

Waxaa sidoo kale aragtidda bisha barakeysan ee Ramadan ku dhawaaqay dalal kale oo muslimiin ah oo ay ka mid yihiin Cumaan, Baxreyn iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Bishan Ramadaan, Muslimiintu waxay ka soomaan cuntada iyo cabitaanka laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax-dhaca, taasoo qayb ka ah cibaadada Islaamka ee lagu xoojinayo dulqaadka, samafalka iyo isku-duubnida bulshada.

Waa bishii barakeysneyd ee Qur’aanka Kariimka ah lagu soo dejiyey Nebi Muxamed (NNKH). Soonka maalintii oo dhan, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax-dhaca, waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

RELATED ARTICLES

Most Popular