Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa bixiyey wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanayo oo waxyaabaha uu kaga hadlay ay kaga mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo halkii uu ka soo bilowday markii uu ka baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii golaha wadatashiga qaranka uu uga baxay muddo kororsigii lagu sameysanayey, isagoo fiirinaya danaha beesha Daarood oo sida uu sheegay uu kaligiis ka joogay shirka.
Madaxweynaha Jubaland ayaa la weydiiyay waxa uu ka qabo hadal uu sanadkii 2022 sheegay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo xiligaas ku tilmaamay Madoobe inuu yahay kansarka siyaasadda ee Somaaliya.
Waxaa uu isaga oo arintaas ka jawaabaya ku eedeeyay Fahad Yaasiin inuu yahay shaqsi aaminsan in siyaasadda ay dhaqaale tahay oo wax waliba oo mashaakil ah lagu xaliyo lacag. Inkastoo uusan cadeyn keenin hadana waxaa uu sheegay in isaga qudhiisa uu mar u soo bandhigay in uu dhaqaale qaato oo kursiga uu baneeyo.
Hadalkan ayaa baraha bulshada ka dhaliyay falcelin badan iyadoo dad badan ay u fasirteen in Axmad Madoobe uu aaminsan yahay in siyaasadda ay tahay qori caaradii, isma quunin iyo xoog, taasi oo ka hor imaaneysa habdhaqanka siyaasadeed ee saxda ah.
Intii wareysiga uu socday, Axamad Madoobe waxaa uu ka hadlay dagaalkii Raaskambooni, wuxuuna sheegay in dowladda uu marar badan uga digay sida ay u dhaqmeysay, ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay bilaabeen dagaalka.
Fahad Yaasiin ayaa horay u sii saadaaliyay in in Axmad Madoobe uu dagaal la gali doono Dowlada Federaalka ah ee Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud si la mid ah sidii uu ula dagaalay Madaxweyne Abdullahi Yussuf, Sheekh Sharif Sheekh Axmad, teeramkii koowaad ee Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo.
