Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaSaadaq Joon iyo Mustafa Dhuxulow oo xubinimadii baarlamaanka weynaayo iyo xiliga kuraastooda...

Saadaq Joon iyo Mustafa Dhuxulow oo xubinimadii baarlamaanka weynaayo iyo xiliga kuraastooda la buuxinayo

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha qaranka ayaa qaaday tallabo ku aadan qabashada doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya, si loo helo xubnihii buuxin lahaa kuraasta banaan.

Guddiga oo warqad soo saaray ayaa iclaamiyey doorashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#248 iyo HOP#049, isla markaana ay horay u banneeyeen Saadaq Cumar Xasan (Joon) iyo Mustaf Sheekh Cali (Dhuxulow) oo xilal sare looga magacaabay dowladda federaalka.

Saadaq Joon ayaa loo magacaabay agaasime ku xigeenka hay’adda NISA, halka Mustaf Dhuxulow isaguna loo magacaabay agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxayna sidaas ku waayeen xubinimadoodii baarlamaanka 11-aad.

Labadaan kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa doorashadooda cusub la qaban doonaa 6-da, ilaa 8-da bishaan, sida lagu shaaciyay warqadda ka soo baxday Guddiga madaxa banaan ee doorashada.

Waxaa sidoo kale weli jira kuraas kale oo baarlamaanka Soomaaliya ka banaan, waana illaa 3 kursi oo kala ah kursigii uu baneeyay agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen xildhibaanadii kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamud Maxamed Seeseey.

Si kastaba, Tallaabadan cusub ee uu qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii bishii lasoo dhaafay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqsa leh ku soo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular