Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaMareykanka oo soo saaray digniin la xiriirto weeraro ka dhici kara Muqdisho

Mareykanka oo soo saaray digniin la xiriirto weeraro ka dhici kara Muqdisho

Safaaradda ma bixin faahfaahin ku saabsan weerarrada la filan karo, balse waxaa ay sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo ay ku jirto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka ee gudaha dalka ku sugan, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka.

Safaaradda ma bixin faahfaahin ku saabsan weerarrada la filan karo, balse waxaa ay sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo ay ku jirto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda.

Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale oo ka dhaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda.

“Weerarradu waxay ku dhici karaan si lama filaan ah ama iyagoo diginin badan aan aga helin, waxaana la beegsan karaa garoomada diyaaradaha, dekedaha, baraha kontaroolka, dhismooyinka dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada waaweyn iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa ay joogaan dadka reer Galbeedka.”

Digniintan kaddib laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa la galiyay feejignaan dheeri ah, iyadoo aad loo adkeeyay amniga goobaha ay digniintu ku wajahan tahay. Digniintan ayaa ku soo aadeysa, xilli ay dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab ay ku dagaalamayaan gobolka Shabeellada dhexe.

Hase ahaatee, gobolka Shabeellada Dhexe oo Muqdisho ku dhow ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ay ciidamada dowladda kula dagaalamayaan kooxda Alshabaab oo la wareegtay qaar kamid ah degaanada Shabeellada Dhexe.

RELATED ARTICLES

Most Popular