Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ilaa iyo saaka ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Aadan Yabaal, Al-Kowsar iyo deegaanada ku xeeran Daarunicma.
Duqeynta oo bilaabatay fiidkii hore ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab ee soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana magaalada laga dareemay duqeynta oo ahayd mid xoogan oo bartilmaameed ah.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo holac iyo uuro is qabsatay hawada sare, kadib weerarka cirka ah oo ay diyaaraduhu la beegsadeen kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Daarunimca oo maalmo kahor la wareegay deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalamayaal badan iyo horjoogayaal ku sugnaa halkaasi, balse ma cadda tirada rasmiga ah.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalka xalay ka dhacay aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa sidoo kale duqeymo kuwaan lamid ah ay xalay ka dhaceen aagga degmada Ceelbaraf waxaana halkaasi la soo wariyay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Shabaab.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ay heshay Akhbar Media ayaa tilmaamaya in ciidamo ka socda Itoobiya, Imaaraadka Carabta, iyo Turkiga ay ka qayb qaateen duqeymahan lagu beegsaday Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in lagu wiiqo awoodda kooxda kadib weeraradii ay ka geysteen gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan guluf dagaal ka wadda deegaannada Hirshabelle, iyada oo kaashaneyso dadka deegaanka, si looga hortego abaabulka kooxda Shabaab.