Shirkaddaha Diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa labaduba hakiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sababo la xiriira digniinaha amni ee xalay soo baxay.
Shirkaddaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa rakaabkooda ku wargeliyay in aysan jirin wax duulimaad ah oo ay sameyn doonaan laga bilaabo maalmaha soo aadan. Maamuladda shirkadahan faah-faahin dheeri ah kama aysan bixin sababaha ay go’aankan u gaareen, balse waxaa la rumeysan yahay in hakintan ay la xiriirto digniinaha amni ee haatan soo baxay.
Arrintan ayaa daba socota warkii kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka.
Mareykanka ayaa sheegay inuu la socdo khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, taas oo soo dadajisay go’aanka ay Qatar Airways iyo Turkish Airlines maanta ku hakiyeen duulimaadyadooda tooska ah ee Muqdisho.
Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda.
“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale oo ka dhaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda.
“Weerarradu waxay ku dhici karaan si lama filaan ah ama iyagoo diginin badan aan aga helin, waxaana la beegsan karaa garoomada diyaaradaha, dekedaha, baraha kontaroolka, dhismooyinka dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada waaweyn iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa ay joogaan dadka reer Galbeedka.”
Digniintan kaddib laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa la galiyay feejignaan dheeri ah, iyadoo aad loo adkeeyay amniga goobaha ay digniintu ku wajahan tahay. Digniintan ayaa ku soo aadeysa, xilli ay dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab ay ku dagaalamayaan gobolka Shabeellada dhexe.
Hase ahaatee, gobolka Shabeellada Dhexe oo Muqdisho ku dhow ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ay ciidamada dowladda kula dagaalamayaan kooxda Alshabaab oo la wareegtay qaar kamid ah degaanada Shabeellada Dhexe.