Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaGolaha Ammaanka oo walaac weyn ka qabo hubka dalka ka soo galayo...

Golaha Ammaanka oo walaac weyn ka qabo hubka dalka ka soo galayo dhanka Yemen

Golaha amaanka ayaa marar badan ka hadlay muhiimada ay leedahay in loo hoggaansamo cunaqabateynta hubka si looga hortago in Al-Shabaab ay xoojiyaan awoodooda ciidan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya ee Soomaaliya ka soo galayo dhanka dalka Yemen, taasoo jabinaysa cunaqabateynta hubka ee saaran kooxda Al-shabaab.

Xayiraaddan hubka ee saaraan Al-Shabaab ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada kooxdan, oo ah isha ugu weyn ee xasilloonida darrada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Hubka ka yimaada Yemen oo ah dal laftiisa ay ka jiraan colaado daba dheeraaday ayaa la rumeysan yahay inuu sii xumeynayo caqabadaha amni ee ka jira dalka.

Golaha amaanka ayaa marar badan ka hadlay muhiimada ay leedahay in loo hoggaansamo cunaqabateynta hubka si looga hortago in Al-Shabaab ay xoojiyaan awoodooda ciidan.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah inay xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan la socodka iyo ka hortagga shixnadaha hubka sharci darrada ah, iyo inay la shaqeeyaan ururada gobolka sida Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD si arrintan wax looga qabto.

RELATED ARTICLES

Most Popular