Taliyaha qeybta guud ee Banadir ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo degmada Hodan uga qeyb galay afur wadareed ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada ku faafiya wax uu ku tilmaamay qalqal gelin amni.
“Wiilasha baraha bulshada wax ku qora waxaan leeyahay, Khawaarijtaa qeyb ka noqoneysaa, hadii aad faafiso waxaan jirin, waxa ay kooxdaasi sameyso iyo wax lagu darayba hadii aad sheegto qeyb ayaad ka tahay,” ayuu yiri Macalin Mahdi.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa shacabka ka codsaday in aysan taageerin dhalinyarada faafisa qalqal gelinta amniga, isagoo cadeeyey in ka boolis ahaan ay diyaar u yihiin in ay xiraan qof kasta oo faafiya farriimo qalqal gelin ah.
“Qofkii Khawaarij lacag siiya iyo kan warkooda u faafiya waa isku mid, dadkaan dhibaato intii ku filan waa soo mareen, Xamar waxay joogtaa waqtigii ay ugu amni fiicneed, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in baraha bulshada ay ku faafiso farriimo farxad gelinaya Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha Boolsika Gobolka Banaadir.
Taliyaha Booliska Gobolka ayaa sheegay in reer Muqdisho ay amni rabaan, isagoo xusuusiyey in hadda ay heystaan, balse looga baahan yahay inay xajistaan oo sii adkeystaan, dadka qalqal gelinta wadana ay iska qabtaan.
Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan xabsiga laga sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo Muqdisho ku xirnaa muddo seddax cisho ah. Taliska qeybta guud ee gobolka ayaa Cali Aadan ku eedeeyey inuu ka shaqeynayey qalqal gelin amni iyo aflagaadeynta madaxda qaranka.