Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaMuxuu ka Dhigan Yahay Heshiiska Dhaxmaray Ruto iyo Raila?

Muxuu ka Dhigan Yahay Heshiiska Dhaxmaray Ruto iyo Raila?

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Raila Odinga, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis siyaasadeed kadib wadatashiyo uu Odinga ka sameeyay guud ahaan Goboladda Kenya isbuucyadii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Raila Odinga, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis siyaasadeed kadib wadatashiyo uu Odinga ka sameeyay guud ahaan Goboladda Kenya isbuucyadii la soo dhaafay.

Munaasabadda heshiiska lagu saxiixay ayaa lagu qabtay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta (KICC) ee Nairobi, iyadoo labada hoggaamiye ay qalinka ku duugeen heshiis is afgarad ah oo hagi doona mustaqbalka siyaasadeed ee Kenya.

Qodobada Muhiimka ah ee Heshiiska:

Kahor saxiixa heshiiska, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee ODM, Edwin Sifuna (oo matalayay Raila), iyo dhiggiisa UDA, Hassan Omar (oo matalayay Ruto), ayaa akhriyay qodobada muhiimka ah ee lagu heshiiyay.

1. Hirgelinta Qodobadda Warbixinta NADCO

Qodobka koowaad wuxuu ku saabsan yahay in si dhamaystiran loo hirgaliyo warbixintii ay soo saareen Golaha Wadahadalka Qaranka (NADCO), taasoo soo jeedisay isbeddelo waaweyn in la sameeyo.

Mucaaradka ayaa si joogto ah ugu baaqayay in dowladda hirgeliso warbixintan, iyagoo sheegay in 90% baahiyaha shacabka ay ku xallismi karaan. Warbixintan waxay ka dhalatay kaddib bannaanbaxyadii ka dhashay doorashadii 2022 oo Raila uu ku andacooday in la musuq-maasuqay.

Xaaladda ayaa xiligaas gaartay heer uu soo farageliyo Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, kaasoo dhexdhexaadiyay Raila iyo Ruto, taasoo keentay in la dhiso guddiga Golaha NACDO oo ka koobnaa xubno ka tirsan labada dhinac si loo xalliyo arrimo ay ka mid yihiin hoos u dhigidda qiimaha nolasha, shaqo abuurka dhallinyarada, iyo hirgelinta xeerka jinsiga ee labada meelood saddex (two-thirds gender rule).

2. Xoojinta Dowladaha Ismaamuladda iyo Fursad siinta Dadka Tirada Yar

Qodobadda labaad iyo saddexaad ee heshiiska ayaa ah in talooyinka iyo siyaasadda laga qeyb galiyo dadka laga tirada badan yahay, si ay matalaad buuxda ugu helaan dowladda. Waxaa sidoo kale hesiiska uu ku baaqayaa in la xoojiyo nidaamka Dowlad goboleedyadda.

3. Horumarinta Dhallinyarada iyo Dhaqaalaha

Hoggaamiyeyaasha waxay sidoo kale isla garteen in la xoojiyo kaalinta dhallinyarada iyadoo la horumarinayo dhinacyadda tignoolajiyada, dhaqaalaha buluuga, warshadaha, iyo macdanta si loo abuuro fursado shaqo.

4. Hogaamin Wanaagsan iyo Dawlad-wanaag

Ruto iyo Raila waxay ballanqaadeen in ay ka shaqeyn doonaan in dalka hogaankiisa uu wanaagsanaan doono sidoo kalena noqon doono mid dowlad daahfuran oo lala xisaabtami karo, si adeegyada dowladda loo wanaajiyo.

5. Ilaalinta Xuquuqda Muwaadiniinta iyo Xorriyadda Dibadbaxyada

Qodobkan ayaa la xiriira xuquuqda shacabka, gaar ahaan xorriyadda dibadbaxyada. Heshiisku wuxuu ku baaqayaa in Adeega Booliska Qaranka ay ixtiraamaan xuquuqda muwaadiniinta, islamarkaana la casriyeeyo hab-raacyadooda ku aaddan maaraynta dibadbaxyada nabdoon.

6. Dib-u-eegista Deynta Qaranka Lagu Leeyahay iyo Isla Xisaabtanka Maaliyadeed

Heshiiska wuxuu xusay in qiimeyn qaran lagu sameeyo heerka deynta dalka, iyadoo la xoojinayo isla xisaabtanka si loo hubiyo in hantida qaranka si sax ah loo maareeyo.

7. La-dagaallanka Musuq-maasuqa

Labada hoggaamiye waxay ballanqaadeen inay xoojin doonaan hay’adaha la dagaallanka musuq-maasuqa sida Xisaabiyaha Guud iyo Maareeyaha Miisaaniyadda, si loo hubiyo in dhaqaalaha qaranka qaab sax ah loo maamulo.

8. Joojinta Beeldareynta Hantida Qaranka

Heshiisku wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa in la joojiyo beeldareyna hantida dowladda, si loo xaqiijiyo hormarinta, waxtarka iyo hufnaanta adeegyada dowlada.

9. Ilaalinta Dastuurka iyo Xorriyadaha Aasaasiga ah

Qodobka ugu dambeeya wuxuu xooga saaraya ilaalinta madaxbannaanida Dastuurka iyo xuquuqda aadanaha, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo kala dambeynta.

RELATED ARTICLES

Most Popular