Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaFahad Yaasiin oo Shaaciyay Sababta uu ku Doortay Qoritaanka Buuga Siirada Suubanaha

Fahad Yaasiin oo Shaaciyay Sababta uu ku Doortay Qoritaanka Buuga Siirada Suubanaha

Agaasimihii hore ee NISA ayaa sheegay in buuga Sooyaalka Suubnaha ee uu qoray uu u hibeeyay aabihiisa oo 20 sano ka badan ka hor geeriyooday isagoo sheegay in xilli waliba uu Eebe u baryo dhambi dhaafna u weydiiyo.

Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa bixiyay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya kaas oo xalay qeybtisii koowaad la sii daayay.

Fahad oo wareysigan siiyay Warbaahinta Risala ayaa qeybta koowaad faahfaahin buuxda kaga bixiyay buuga uu dhawaan soo saaray ee Sooyaalka Suubanaha Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee.

La Taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa sheegay in buugan qoristiisa ay ku dhalatay markii uu arkay baahidda ay dhalinyaradda Soomaaliyeed u qaban barashadda taarikhda Rasuulka iyo in ay yaraadeen dhalinyaradii xalaqooyinka fariisan jiray ee cilmiga dhageysan jiray.

Fahad ayaa wareysiga gudihiisa ugu mahad celiyay culimo badan iyo shaqsiyaad kale oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaateen inuu buugaas soo saaro isagoo sheegay in la’antood aysan u suurta gali leheen in buugaas uu alifo.

Waxaa uu sidoo kale qeybta koowaad ee Wareysiga ku qiray in xiriir dhaw oo saaxibtinimo uu la leeyahay Culimo badan oo Soomaaliyeed qaar nool iyo qaar mootanba, waxaana ka mid ah Allaha u naxariistee Sheekh Boqolsoon iyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaacil Haaruun.

Waxaa uu xusay inuu sanado noloshiisa ka mid ah arday iyo kaaliye u ahaa Sheekh Boqolsoon isagoo xusay in xiligaas loo diyaariyay inuu noqdo nin Sheekh ah balse uu galay shaqooyin kale sida saxaafada iyo Siyaasadda.

Agaasimihii hore ee NISA ayaa sheegay in buuga Sooyaalka Suubnaha ee uu qoray uu u hibeeyay aabihiisa oo 20 sano ka badan ka hor geeriyooday isagoo sheegay in xilli waliba uu Eebe u baryo dhambi dhaafna u weydiiyo.

Fahad oo wax laga weydiiyay qaabka uu Ummadda ugu qancin karo inay ka dhageystaan in isaga oo Agaasime Sirdoon soo noqday siyaasina ah ayaa sheegay in Rasuulka uu dhamaan ummadda u dhaxeeyo oo aysan jirin cid si gaar ah u leh.

Waxaa uu xusay inuu aamisan yahay in qof waliba ay masuuliyad weyn ka saaran tahay diinta Islaamka iyo faafitaankeeda iyo in wixii uu aqoon u leeyahay uu dadka kale u sii gudbiyo.

La Taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay jiraan buugaag kale oo isaga uu qoray oo soo bixi doono ka hor dhamaadka sanadkan, waxaana uu xusay in uu kaga hadli doono Sirdoonka, Siyaasadda iyo Maamulka.

Wareysiga Fahad Yaasiin uu siiyay Warbaahinta Risala kuma eka qeybtaas oo kaliya, waxaa lagu wadaa in la sii daayo qeyb kale oo uu kaga hadlayo Dowlada Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud iyadoo hordhaca ama goos gooska laga arkay in uu si kulul u dhaliilayo ficiladda maamulka hadda jooga Villa Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular