Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada mid ka mid ah kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lasoo buuxiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#049.
Kursigan oo uu horay ugu fadhiyay Mustaf Sheekh Cali Dhuxlow ayaa waxaa saaka loo doortay Maxamed Cabdi Cali Faarax, kaas oo sidaas uga mid noqonaya mudaneyaasha Golaha Shacabka.
Mustaf Dhuxulow ayaa lumiyay xubinnimadii Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Xildhibaanka soo baxay Maxamed Cabdi Cali Faarax ayaa loo xiray kursigan, waxaana dhalay ganacsadaha caanka ah Cabdi Cali Faarax ee kasoo jeeda Galmudug.
Waxaa sidoo kale weli jira kuraas kale oo baarlamaanka Soomaaliya ka banaan, waana illaa 3 kursi oo kala ah kursigii uu baneeyay agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen xildhibaanadii kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamud Maxamed Seeseey.
Si kastaba, Tallaabadan cusub ee uu guddiga ku buuxinaayo kuraasta banaan ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii bishii lasoo dhaafay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqsa leh ku soo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.