Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaFahad Yaasin: Xasan Sheekh wuxuu xukunka ku soo laabtay isagoo isku careysan

Fahad Yaasin: Xasan Sheekh wuxuu xukunka ku soo laabtay isagoo isku careysan

Sidoo kale, Fahad ayaa ku dhaliilay Xasan Sheekh sababta uu saaxiibbadiis ugu kalsoonaa la’yahay oo talada dalka ay isaga keliya ugu soo aruurtay, taasoo sida uu sheegay sababtay in shaqadii dowladda ay cuuryaanto.

Agaasimihii hore ee Hey’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Fahad Yaasiin oo wareysi dheer siiyay Warbaahinta Risala ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah qeybtii ugu dambeysay diiradda ugu saaray siyaasadda Xasan Sheekh, wuxuuna ku qeexay “madaxweyne kusoo laabtay xukunka isagoo careysan.”

Fahad ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda u dhaqmaayo sidii uu markii hore ka diiday Farmajo, wuxuuna kula taliyey in ka hor 15-ka May 2026 uu ka shaqeeyo inaan loo baahnayn Ciidamo gaar ah oo la mid ah kuwii Badbaado Qaran in la sameeyo.

Sidoo kale, Fahad ayaa ku dhaliilay Xasan Sheekh sababta uu saaxiibbadiis ugu kalsoonaa la’yahay oo talada dalka ay isaga keliya ugu soo aruurtay, taasoo sida uu sheegay sababtay in shaqadii dowladda ay cuuryaanto.

“Xasan Sheekh wuxuu xukunka kusoo laabtay isagoo careysan oo weliba isagu isku xanaaqsan; wuxuu go’aansaday inaan qof kale warkiisa uusan dhageysan oo wixii uu maago uu sameeyo,” ayuu yiri Fahad.

Fahad Yaasiin oo la weydiiyey haddii ay jiraan wax u hagaagay Xasan Sheekh muddadii uu talada hayey, wuxuuna tilmaamay hal arrin, taas oo ah xulashadii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

“Xulashada Xamsa xitaa waxay ku timid cuqdaddii uu qabay Xasan Sheekh, balse waa uu ku saxnaa. Waa wax aad u fiican in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka amar qaato madaxweynihiisa, sababtoo ah ninka la doortay waa isaga, haddii wax halaabaanna isaga ayaa loo heystaa,” ayuu yiri Fahad.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay inuu shaqada Ra’iisul Wasaare Xamsa uu aad ugu riyaaqay, marar badanna uu qoraal ku soo amaanay sida uu u fulinayo go’aannada madaxweynaha, khilaafkana uu uga dhowray dowladda.

La Taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweyne Faramajo ayaa sheegay Madaxweyne Xassan Sheekh in taarikhda ay u gashay inuu yahay Madaxweyne magaladiisii uu ku soo koray xabad ku soo riday.

“Madaxweyne magaaladiisa xabad u qaatay oo Mirinaayo fariistay Xasan Sheekh ayaa ka jira, tallaabadaas waa looga dayan doonaa, waana lagu sameyn doonaa markiisa haddii uu dadka siyaasadda kala dhaxeyso taas ku ka lifo,” ayuu yiri.

Fahad ayaa ugu dambeyn madaxweynaha kula taliyey in ragga ka carooday uu hadda u yeero oo madaxa u salaaxo, taladana dhulka soo dhigo.

“Madaxweyne, waxaan kugula talinayaa in wixii aad hore u diidday aadan hadda ku fekerin. Adigaa horay u yiri kursiga kadib nolol kale ayaa jirta; haddii calaf kuu jiro waad soo laabaneysaa, ee si aan habbooneyn wax haku raadin,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

RELATED ARTICLES

Most Popular