Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka Carabta, kadib martiqaad uu ka helay dowladdaasi.
Madaxweynaha, inta uu ku sugan yahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, inkastoo aysan weli wax war ah safarkan kasoo saarin Madaxtooyada Soomaaliya, oo ah isha sida rasmiga ah u baahisa safarrada madaxweynaha.
Safarkan ayaa imanaya xilli uu dagaal culus ka socdo qeybo kamid ah dalka, kaasi oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dib u soo rogaal celisay kadib markii jab xooggan lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaalka.
Safarkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay dhawaan dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku kacday xadgudub ka dhan ah midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, kadib markii ay hab-maamuus dal siiyeen maamulka Somaliland.
Waa socdaalkii u horreeyay ee Xasan Sheekh uu ku tegayo Abu Dhabi kadib shir-madaxeedkii dunida ee UAE ay ku martiqaadday Madaxweynaha Somaliland, taasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku tilmaantay xadgudub qaranimo.