Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXogta Al-Shabaab ku dhamaaday qarax ay iyaga diyaarinayeen

Xogta Al-Shabaab ku dhamaaday qarax ay iyaga diyaarinayeen

Sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka, qaraxa waxaa ay waxyeello xooggan kasoo gaartay maleeshiyadkii Al-Shabaab ee qaraxa diyaarineysay, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday xubnihii howshaas ku jiray.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay deegaanka Laba-Garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyadoo qaraxaas uu sababay khasaaro xooggan.

Sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka, qaraxa waxaa ay waxyeello xooggan kasoo gaartay maleeshiyadkii Al-Shabaab ee qaraxa diyaarineysay, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday xubnihii howshaas ku jiray.

Inakstoo aan tiradda dhimashada si rasmi ah loo xaqiijin, hadane ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa Akhbar Media u sheegay in qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay deegaannada ku dhow Laba-Garas, iyadoo dhimashada ay gaareyso in ka badan 5 dagaalame, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab ay qaraxaasi doonayeen inay ku weeraraan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo howlgallo culus ka wada deegaanno ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Laba-Garas ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen maleeshiyaadka Shabaab, waxaana hadda halkaasi isku horfadhiya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa galay xaalad adag kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys kusoo kordhisay, iyadoo hadda halkaasi ay ka socdaan howlgallo wadajir ah oo ay fulinayaan ciidamada dowladda Federaalka, maamulka Hirshabelle iyo dadka deegaanka, iyadoo hawada ay taageero ka siinayaan diyaaradaha saaxiibbada caalamiga ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular