Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo xalay ka dhacay aagga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.
Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Macawiisleyda ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda oo ku sugnaa saldhig ku yaalla tuulada Biya-cadle oo hoostagta deegaanka Ceel-lahelay ee gobolkaasi.
Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, uuna u dhacay sidii loo qorsheeyay.
“Ciidanka xaq-udirirka Degaaanka ayaa Caawa Weerarka ku qaaday Saldhig Khawaarijtu ku laheyd deeganka Biya-cadle ee hoostaga deegnka Ceel-lahelay eec Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda.
Sidoo kale qoraalka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha la wareeray ay ka tirsanaayeen Shabaab, loona diyaariyay inay weeraro ka gaystaan aagga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya
Waxaa sidoo kale jiro khasaare culus oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Shabaab, balse dowladdu ma shaacin inta uu gaarsiisan yahay.
“Deegaanka ka dagaalku ka dhacay ayaa waxaa deganaa maleyshiyaadka jamhadda ee khawaarijtu u diyaarineysay in shacabka soomaliyeed ku dhibaateeyaan.Qasaare ayaa jiro oo la gaarsiyey khaawrijta” ayaa mar kale lagu yiri.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Geesiyaasha Xaq-udirirka ayaa ka dhiidhiyey hagardaamada khawaarijta oo Bulsho Somaliyeed dhib ku haayey maalmahaan”.