Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaItoobiya iyo Israa’iil oo war ka soo saaray la dagaalanka Al-Shabaab iyo...

Itoobiya iyo Israa’iil oo war ka soo saaray la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal.

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal.

Shir jaraa’id oo ay Qudus ku qabteen wasiirrada arrimaha dibadda ee Israa’iil iyo Itoobiya, Gideon Sa’ar iyo Gedion Timotheos, ayuu Sa’ar sheegay inuu xidhiidh ka dhexeeyo kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo dagaal kula jira Israa’iil, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in labada dal iska kaashadaan la dagaalankooda.

“Argagixisadu waa khatar aynu wadaagno, waxaa jiro dhaqdhaqaaqa kooxaha xagjirka ah ee gobolka sida Xamaas, Xisbullah, Jihaadiyiinta Suuriya iyo Al-Shabaab oo Africa ah. Argagixisada waa in la cidhibtiro,” ayuu yidhi Sa’ar, sida lagu baahiyay The Times of Israel.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay qayb weyn ka qaadato la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana ay Xuutiyiintu khatar ku yihiin ammaanka Israa’iil iyo marinada ganacsiga ee Badda Cas, isaga oo khatar u arka xidhiidhka la sheegay in uu ka dhexeeyo Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, isla markaana aaminsan in lala wada dagaalamo labada kooxood.

Israa’iil waxay khatar u aragtaa xidhiidh dhawaan Mareykanku sheegay inuu ka dhexeeyo kooxda Al-Shabaab oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida iyo Xuutiyiinta Yemen, oo ka cadhaysan dagaalka ay Israa’iil ku qaaday Qaza, isla markaana weerarro u geysta maraakiibta ganacsiga Israa’iil.

RELATED ARTICLES

Most Popular