Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maalinimadii Jimcaha saxiixay amar Madaxweyne oo ugu yaraan lagu xadidaayo ama gabi ahaanba lagu xiraayo hey’ado dhowr ah oo ay ka mid tahay Warbaahinta VOA ee Mareykanka.
Shaqaalihii ka shaqeynaayay VOA ayaa sabtidii lagu wargaliyay inay galayaan fasax. Inkastoo mushaaraadkoodi ay qaadan doonaan waxaa hadana lagu war galiyay inaysan goobahooda shaqo tagi karin ilaa amar dambe.
Shaqaalaha ka howlgalayay Warbaahinta Codka Mareykanka, oo in ka badan 40 luuqadood wararkeeda ku baahiso, ayaa Wakaalada Reuters la wadaagay email loo soo diray oo loogu xaqiijiyay inaysan shaqada xaadiri karin hal maalin ka dib markii uu Trump amarkaas saxiixay.
Si kasta oo ay noqotaba, ilaa iyo haatan ma cadda tiradda shaqaalaha ee farintaas lala wadaagay iyo waxyaabaha ilaa iyo haatan daaha gadaashiisa ka soconaayo.
Hey’adda U.S. Agency for Global Media (USAGM) oo ay hoos imaato VOA-da ayaa sidoo kale joojisay dhaqaalihii ku bixi jiray Radio Free Europe/Radio Liberty, oo la hadli jiray Bariga Europe oo ay ku jiraan Russia iyo Ukraine, iyo Radio Free Asia, oo la hadli jiray China iyo North Korea.
Trump, oo teeramkiisii hore ay si weyn isugu dhacsanaayeen VOA-da, ayaa markii uu xilka la wareegay waxaa u soo xushay Kari Lake, oo horay saxafiyad u aheyd, inay noqoto Agaasimaha VOA.
Lake, oo si weyn saaxib dhaw dhanka siyaasadda ula ah Madaxweynaha Mareykanka, waxaana ay marar badan ku eedesay saxaafadda in ay mar waliba baahiyaan warar wax loogu dhimayo sumcadda iyo siyaasadda Trump.
Inkasta magac ahaan ay wali awood leeyihiin, hadana gudaha Soomaaliya iyo dhulka ay Somaalidda dagtaba, VOA-da iyo BBC-da laamahooda afka Soomaaliga waxaa hoos u dhac weyn u uku yimid dhageestayaashoodii iyadoo bulshadda inteeda badan ay u guurtay dhanka warbaahinta casriga ah ee digitaalka.