Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu celiyay Dowladda Kenya laba qori oo laga qaatay askari Kenyan ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday bar kontorool oo ku taalla xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Mandera.
Labada qori oo noocooda ahaa, mid G3 ah iyo AK47 ah ayaa lagu wareejiyay saraakiisha ammaanka Mandera subaxnimadii Sabtida ee isbuuc dhamaadkii la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, booliska Kenya waxay sheegeen in la waayay qeybo ka mid ah rasaastii la socotay. Inkasta oo labada qori markii hore ay wateen 90 xabbo oo rasaas ah, kaliya 10 xabbo ayaa la soo celiyay.
Dib u celinta hubkan ayaa timid saacado un kadib markii koox hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hey’ada Nabasugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay weerar ku qaadeen ciidanka Kenya ee ku sugan Border Point 4 ee Mandera.
Sida lagu sheegay warbixin booliska Kenya ay soo saareen, ilaa 20 nin oo hubeysan ayaa Jimcihii, Maarso 14, si lama filaan ah u weeraray shan askari oo ka tirsan guutada Booliska Xadka.
Intii uu weerarka socday, waxaa isla goobta lagu dilay hal askari, halka mid kale uu dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix. Askariga dhaawacmay ayaa marka hore lagu dabiibay Isbitaalka Mandera Referral, ka dibna loo qaaday Nairobi si loogu daaweeyo.
Iska hor imaadkan waxaa uu sababay in xuduudka Kenya iyo Somaaliya u dhaxeeyo ay xiraan ciidamada Kenya ee ku sugan xadka Mandera iyo Baladxaawo mana cado ilaa iyo haatan talaabadda xigta ee la qaadi doono.