Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray wareegto ka kooban isku shaandheyn iyo xilka qaadis uu ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.
Saddex wasiir ayaa la isku beddelay, iyada oo loo kala wareejiyay wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir oo kalena xilka laga qaaday. Labada Wasiir ee xilalkoodii waayay ayaa kala ah Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cigaal iyo Wasiirkii Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maxamed Barre.
Sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray wasiir ku xigeenno cusub oo qaarkood xildhibaanno ah, iyada oo kuwii horay u hayay xilalkaas la eryay.
Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli uu maalmahan culays xooggan wajahayay ra’iisul wasaaraha, kadib markii uu soo if-baxay guuxa mooshin xilka looga qaadayo oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka, taas oo la rumeysan yahay inay soo dadajisay isbeddelka deg-degga ah ee uu Xamza ku sameeyay golihiisa wasiirada.
Liiska oo dhammeystiran:-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah:
- Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮
- Cabdiqaadir Maxamed Nuur – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮
- Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮
- Maxamed Faarax Nuux – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝘂𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮
- Maxamed Cabdiqaadir Cali – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮
- Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
- Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
- Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha
- Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
- Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada
- Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
- Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
- Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha
- Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta
- Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
- Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka