Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqaaqo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Mandera, taas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa booliska Kenya, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, kadib markii koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka ee dalkaasi.
Shan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugnaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee Mandera, markii ay la kulmeen koox ka tirsan NISA oo tiradoodu lagu qiyaasay 20, kuwaas oo rasaas ku furay.
Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta. Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaasoo gacanta u galay kooxda NISA inkasta oo maalin ka dib dib loogu celiyay Dowlada Kenya.
Jubbaland oo haatan ka hadashay falkan xiisad ka abuuray xadka ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadaasi, waxayna tacsi u dirtay dowladda Kenya iyo shacabkeeda.
“Arrinta dhacday aad iyo aad ayaan uga xunahay waa wax aanu qorsheysanin, ugana tacsiyeyneyno dowladda Kenya iyo shacabkeeda,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa weerarkaasi la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay inay abaabuuleen siyaasiyiin dan gaar ah leh, sida uu hadalka u dhigay.
“Wax walba sabab ayay leeyihiin, is afgaran-waaga ka jira dowladda Soomaaliya dhexdeeda oo mar walba niman siyaasiyiin ah oo dan leh ay abuurayaan ayay arrimahan salka ku hayaan, maxaa yeelay maamulkii degmada Beledxaawo oo nidaamka dastuuriga ahaa ku dhisnaa waa loo diiday inuu shaqadiisa qabsado” ayuu mar kale yiri.
Dhinaca kale wuxuu farriin u culus u diray dowladda Kenya oo uu ka dalbaday in xaaladda la qaboojiyo, isla markaana aan la dhibaateyn shacabka ku nool deegaannada dhaca xuduuda, gaar ahaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera.
“Dowladda Kenya ee aan walaalaha nahay iyo shacabkeeda waxaan ka codsaneynaa dadka aan waxba galabsanin ee ku nool Beledxaawo ama Mandera in iyagana ilaaliyaan xaquuqdooda,oo dhacdadan dhacday wax la xiriira aan dhib loogu gaysanin” ayuu yiri.