Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaMareykanka iyo Midoowga Yurub oo ballan-qaad culus u sameeyay Xasan Sheekh kadib...

Mareykanka iyo Midoowga Yurub oo ballan-qaad culus u sameeyay Xasan Sheekh kadib qaraxii lala beegsaday

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu boggaadiyay horumarada ay ku tallaabsanayaan ciidamada Xoogga dalka ee argagixisada kula dagaalamayo jiidaha hore ee dagaalka.

Dowladda Mareykanka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si kulul uga hadashay weerarkii qaraxa ahaa ee 18-kii bishan agagaarka madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta lagula eegtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu kusii jeeday furimaha hore ee dagaalka.

Mareykanka ayaa ugu horeeyntii tacsi u diray ehellada ay dadkoodii ku dhinteen weerarkaasi, halka intii ku dhaawacantay uu u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ballan-qaad culus u sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, wuxuuna sheegay inuu sii xoojinayo taageerada joogtada ee uu siiyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii iyo qaraabadii dadkii kuu dhintay Qaraxaasi, Shacabka Mareykanka waxay mar kale xaqiijinayaan taageerada joogtada ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa dhaawaca ah waxaan u rajeeneynaa bogsiino deg deg ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soobaxay qeybta arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu boggaadiyay horumarada ay ku tallaabsanayaan ciidamada Xoogga dalka ee argagixisada kula dagaalamayo jiidaha hore ee dagaalka.

Midowga Yurub ayaa isna taageero tan la mid ah u muujiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kadib qaraxii 18-kii bishaan lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

“Midowga Yurub wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay in uu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto khawaarijta iyo kooxaha kale ee argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay Ururka Midowga Yurub.

Dhankooda dowladaha Imaaraadka iyo Qatar ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labada dowladood oo bayaano kala duwan soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkooda adag ee ay ka qabaan diidmada rabshadaha iyo argagixisada nooc kasta ha ahaato sababta iyo ujeeddadu.

Dhacdadan oo uu ka bad-baaday madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho Talaadadii, abaare 10:32 AM, gaar ahaan degmada Xamarjajab, meel u dhaxaysa isgoyska Ceelgaabta iyo dekedda Muqdisho.

RELATED ARTICLES

Most Popular