Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoonno ka tirsan Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay lagu dilay duqeyn.
Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya xuuraanka NISA, ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Dib-dheer, oo ka tirsan degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.
Taliska ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. Axmed Macallin – Horjoogihii Al-Shabaab ee degmada Ceel-Buur.
2. Abuu Salmaan – Horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud.
3. Xuseen Cali Badal – Horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanka Xiindheere.
4. Budul Faarax Geed – Horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceel-Qooxle.
5. Sakariye – Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab ee Galgaduud.
Sidoo kale, nabadoonnada lagu beegsaday howlgalkan ee la dilay ayaa kala ah:
1. Mire Cagdheer, 2. Muuse Cumar, 3. Maxamed U Rur 4. Xaaji Bashiir
Xubnahaan nabadoonnada ah ayaa ahaa horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka shaqeynayay marin-habaabinta bulshada deegaankaas, sida uu sheegay Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Howlgalkan ayaa daba socday weerarkii dhacay 13-kii Maarso 2025, markaas oo Macawiisleyda deegaanka ay si toos ah ula dagaallameen Al-Shabaab-kii ku sugnaa tuulada Bay-Caadle, sida uu xaqiijiyay talisku.
