Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaFaahfaahinta dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Garoowe

Faahfaahinta dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Garoowe

Iska hor imaadka oo muddo socday sababay dhimashada illaa 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro taliyihii garoonka diyaaradaha Garoowe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland.

Dagaalka oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa si gaar ah uga dhacay kaantaroolka bari ee caasimada Garoowe, wuxuuna u dhexeeyay Booliska Puntland iyo ciidamo kale oo ku tirsan kuwa PSF oo ka yimid dhanka gobolka Bari.

Iska hor imaadka oo muddo socday sababay dhimashada illaa 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro taliyihii garoonka diyaaradaha Garoowe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Booliska ay isku dayeen in ciidamada ka yimid dhanka gobolka Bari ay ka reebaan baabuur ay xukuumaddu leedahay oo ay wateen, balse ay ka biyo diideen, kadibna uu dagaalka sidaas ku bilowday, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Puntland, gaar ahaan talisyada Booliska iyo PSF ee oo ku aadan dagaalka ka dhacay Garoowe.

Marar badan ayay sidaan oo kale u dagaalameen labadaan ciidan oo ka wada tirsan Puntland, waxaana la xasuustaa dagaalkii cuslaa ee horay ugu dhex-maray Boosaaso.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan Puntland ay dagaal adag kula jirto Daacish, isla markaana ciidamadeeda ay isugu gaysay aagga buuraha Calmiskaad, si dhulkaas buuraleyda ah looga xoreeyo kooxda Daacish.

RELATED ARTICLES

Most Popular