Senator Xassan Iidow Muxumed oo loo yaqaano Xassan Kobac oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Dalka ayaa bilawgii bisha barakeysan ee Soonqaad ilaa haatan wado afurinta, biyo dhaaminta iyo taageeradda danyarta iyo masaakiinta ku nool degmooyinka Baladwayne iyo Farlibaax.
Barnaamijyaddan la xiriiro taageeradda dadka danyrata ah waxaa sanad waliba si joogto ah u fulisa Kobac Foundation. Intii Ramadaanka lagu guda jiray, Kobac Foundation ayaa degmada Farlibaax gaarsiisay raashiin deeq ah oo loo qeybiyay in ka badan 100 qofood oo danyar ah.
Dhanka Kale, Kobac Foundation waxaa ay degmada Farlibaax ka taageertay biyo dhaamin bilaash ah maadaama maalmihii inoo dambeeyay ay biyo la’an baahsan ka jirtay magaalada. Dadka deegaanka ayaa Senatarka uga mahadceliyay kaalmadda uu u fidiyay iyagoo Allah uga baryay inuu u abaal gudo badal kheyr qabana siiyo.
“Walaalkeen Xassan Kobac deeqdii raashinka eheed ee uu noo soo diray waan helnay. bariis, sokor, saliid iyo timir ayaan helnay, biyo neh waa ay inoo yimaadeen, marka aad ayaan ugu mahadcelineynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha deegaanka.
Mid ka mid ah haweenkii raashiinka deeqda ah la gudoonsiiyay mid ka mid ah ayaa sidoo kale tiri, “Senatarka wuu mahadsan yahay, raashiinkii uu noo soo dhiibay wuu na soo gaaray. Bur, bariis, sokor, saliid iyo timir, intaasba waan helnay. Kheyr Allaha siiyo Senatarka, degmadda aad ayaa looga tabaaleysan yahay intaas iyo in ka badan ayeey u baahan tahay.”
Senator Xassan Kobac iyo Kobac Foundation waxaa ay sanadkii 10-aad oo xiriir ah wadaan afurina iyo iyo taageeradda dadka danyarta ah. Waxaa laga soo dooratay oo siyaasadda uu kaga soo biiray maamul goboleedka Hirshabelle laakiin ku soo biiridiisa siyaasada kama aysan hor istaagin joogteynta barnaamijkan muhiimka ah ee boqolaalka qoys ay ku tiirsan yihiin.




