Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaMuxuu yahay ujeedka uu Guddoomiyaha Midowga Afrika u yimid Muqdisho

Muxuu yahay ujeedka uu Guddoomiyaha Midowga Afrika u yimid Muqdisho

Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana uga hortgay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta socdaalkiisii ugu horreeyay kusoo gaaray magaalada Muqdisho, kadib casuumaad ay u fidisay dowladda.

Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana uga hortgay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.

Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka caasimada, iyada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay waddooyinka si ay u sugaan amniga wafdiga ka socda Midowga Afrika

Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada qaranka, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda sare ee dalka oo ay ka wada-hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka iyo arrimaha ka cusub gobolka.

Sidoo kale waxaa kulamadaas lagu soo qaadi doonaa kaalinta ciidanka AUSSOM ee ku aadan howlgallada socda iyo garab istaagga AU ee la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Febraayo 15, 2025, ayey ahayd markii Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, loo doortay inuu hoggaamiyo Guddiga Fulinta Midowga Afrika, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular