Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya.
Labada masuul ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha amniga, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha booqashadiisa, taasoo muujineysa ahmiyadda Soomaaliya ay u leedahay Midowga Afrika.
Xamza ayaa intii uu kulanka socday tilmaamay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo argagixisada, taasoo halis ku ah amniga guud ee gobolka.
Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ugu horreyn ka mahad-celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


