Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXogta Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo...

Xogta Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo Ujeedkooda

Ujeedka ayaa ah inay booqdaan fariisimaha ciidamada, iyaga oo ciidamada kala hadli doono halganka socda, si ay ugu boggaadiyaan inay dagaalka sii wadaan.

Qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan furimaha hore ee daaalka, si ay u dhiirogeliyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Wasiirada oo ka baxaya Muqdisho ayaa fulinayo amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in xukuumadda ay u guureyso jiida hore ee dagaalka, si ay u qaadato doorkeeda.

Sidoo kale wasiirada ayaa tagi doono gobollada Shabeellooyinka iyo deegaanno ka tirsan Galmudug oo haatan ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah inay booqdaan fariisimaha ciidamada, iyaga oo ciidamada kala hadli doono halganka socda, si ay ugu boggaadiyaan inay dagaalka sii wadaan.

Xukuumadda Ra’iisul Wassaare Xamza ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in ay u guureyso furimaha dagaalka, iyada oo looga dhawaaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada.

Xamza ayaa maalintaas sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Al-Shabaab, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka.

RELATED ARTICLES

Most Popular