Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo in ururka Al-Shabaab ay la waregeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud.
Kheyre waxaa uu sheegay in ay si weyn u damqisay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaankan oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor.
“Waxaa i damqisay in argagaxisadu ay maanta dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor, ayna nooga shahiideen halyeeyo qaran oo naftooda qaaliga ah u huray xoreynta dadkooda iyo dalkooda,” ayuu Kheyre qoraalkiisa ku bilaaway.
Waxaa uu intaas sii raaciyay, “Argagaxisadu waa caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan horumarka Soomaaliya, waxayna duullaan ku yihiin guud ahaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed. Soomaalidu waa ul iyo diirkeed, waana fashil u soo hoyday qof kasta oo Soomaali ah mar kasta oo ay argagaxisadu naga qabsadaan taako ka mid ah dhulkeenna hooyo.”
Kheyre ayaa sheegay inuu uga digayo bulshada Soomaaliyeed in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah, taas oo uu sheegay inay bulshada kala qeybineyso, midnimada ummadda kala dhantaaleyso, isla markaana hiillo iyo dhiirrigelin u tahay argagaxisada arxanka daran.
“Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digayaa in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah. Fasirkaasi wuxuu bulshada kala qeybinayaa, midnimada ummaddana wuu kala dhantaalayaa, wuxuuna u yahay hiillo iyo dhiirrigelin argagaxisada arxanka daran,” ayuu yiri Kheyre.
Raiisul Wasaare hore Xassan Cali Kheyre oo dib u milicsaday guulihii hore ee Al-Shabaab laga gaaray ayaa sheegay in lagu gaaray wadajir iyo midnimo. Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud in wax waliba oo kala tag iyo is qabqabsi siyaasadeed la xiriiro uu gees iska dhigo kana shaqeeyo samatabixinta dalka.
“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu qaato kaalinta hoggaamineed ee samatabixinta dadka iyo dalka, meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, bulshada Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si wadajir looga shaqeeyo xoreynta dalka iyo ciribtirka khawaarijta.”