Baydhabo — Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hubkii ay hore u siisay Masar Dowladda Federaalka Soomaaliya loo adeegsaday colaado gudaha, isla markaana lagu weeraray deegaanno ka tirsan maamulkaas.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa sheegay in saanad militari oo loogu talagalay difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada hadda loo isticmaalayo khilaafka ka jira Koonfur Galbeed, gaar ahaan in lagu hubeynayo maleeshiyaad lagu uruuriyay deegaanka Buurhakaba.
Wuxuu tilmaamay in arrintan ay ka hor imaanayso ujeeddadii hubka loo keenay dalka, isla markaana ay halis ku tahay midnimada iyo amniga shacabka. “Hubkan waxaa loogu talagalay in lagu difaaco dalka, balse looma keenin in lagu kala adeegsado shacabka Soomaaliyeed dhexdooda,” ayuu yiri Fiqi.
Sidoo kale, wuxuu ka digay in adeegsiga hubka qaranka ee colaadaha gudaha uu sii hurin karo xiisadaha, kala qeybin karo bulshada, isla markaana uu khatar gelin karo nolosha dadka rayidka ah.
Hadalka maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen eedeymo is-dhaafsi ah oo la xiriira faragelin siyaasadeed iyo mid amni.
Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa hore u sheegay in hubkii lagu helay magaca ummadda Soomaaliyeed loo weeciyay dano gaar ah, isagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay waddo qorshayaal halis gelinaya nidaamka federaalka.
Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa weli taagan, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed ay sii xumaato haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

