Muqdisho — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha jira, xilli ay jirto xiisad sii kordheysa oo saameyn ku leh maamulkaas.
Guddoomiyaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda taagan, si looga hortago isku dhacyo iyo xaalado horseedi kara xasillooni darro dheeraad ah.
Odayaasha dhaqanka ayaa kulanka ku soo bandhigay tabashooyinka iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaannadooda, iyagoo xusay baahida loo qabo in la xoojiyo wadatashiga iyo wada shaqeynta si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta.
Dhankiisa, Guddoomiye Madoobe ayaa uga mahadceliyay odayaasha kaalintooda ku aaddan nabadeynta iyo horumarinta bulshada, wuxuuna ku booriyay inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, iyo xildhibaanno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb qaatay doodaha la xiriira xal u helidda xaaladda Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay deegaanada Koonfur Galbeed ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xasilloonida guud ee maamulkaasi.

