Baydhabo — Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta, kuwaas oo loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
Ciidamadan ayaa intii uu socday tababarku lagu baray xirfado la xiriira ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay ciidanka dadaalkooda, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro deegaannada maamulkaasi.
Ciidamada tababarka la siiyay ayaa waxaa tababaray saraakiil ka tirsan howlgalka AUSSOM, gaar ahaan kuwa ka socday Itoobiya, kuwaas oo door ka qaatay tayeynta ciidanka.
Laftagareen ayaa sidoo kale u mahadceliyay wasiirrada, saraakiisha amniga iyo shacabka Koonfur Galbeed sida ay u garab istaageen ciidamada, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha ammaanka.
Tababarkan ayaa ku soo aadaya xilli xaaladda amni ee gobolka ay tahay mid xasaasi ah, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka jira qaybo ka mid ah gobolka Baay.

