Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaLafta-gareen oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed

Lafta-gareen oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed

Baydhabo — Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa soo saaray xeer rasmi ah oo lagu magacaabay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka maamulkaas, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiskiisa 23-ka Maarso 2026.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyadoo xubnaha kale ay ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeen, xoghayaha iyo xubno kale oo loo igmaday inay ka shaqeeyaan diyaarinta iyo hirgelinta doorashooyinka maamulka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in dhismaha guddigan uu qayb ka yahay dadaallo lagu xoojinayo hannaanka maamulka iyo qabashada doorashooyin, iyadoo tallaabadan ay timid kadib muran ka dhashay warqad ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhaweeyay magacaabista guddigan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo sharciyeysan oo muhiim u ah hirgelinta doorashooyin hufan. Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in guddigan uu door weyn ka qaadan karo xasiloonida siyaasadeed iyo mideynta aragtida bulshada ee ku aaddan doorashooyinka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u muujisay inay ka go’an tahay qabashada doorashooyin loo dhan yahay oo ay ka qeyb qaataan dhammaan qaybaha bulshada, iyadoo sidoo kale ka digtay in la ilaaliyo nidaamka dowladnimada iyo sharciyadda hay’adaha.

Magacaabista guddigan ayaa imaanaysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka.

RELATED ARTICLES

Most Popular