Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladaha Qatar iyo Turkey kadib shil diyaaradeed oo ka dhacay biyaha dalka Qatar, kaas oo sababay dhimashada toddobo qof.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku burburtay biyaha gudaha ee Qatar, xilli ay ku jirtay howl shaqo oo caadi ah. Dowladda ayaa muujisay murugada ay ka qabto khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkaasi.
Qoraalka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay tacsi gaar ah u dirayso qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadka ku dhintay shilka, iyadoo Alle uga baryeysa inuu u naxariisto marxuuminta, kana siiyo samir iyo iimaan eheladooda.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tahay walaalaheeda Qatar iyo Turkiga xilligan adag,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in diyaaraddu ay ku jirtay howl shaqo ama tababar markii ay dhacday, iyadoo la tuhunsan yahay in cilad farsamo ay sabab u ahayd burburka. Mas’uuliyiinta dalalka Qatar iyo Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee shilka ay weli socdaan.
Shilka ayaa sababay dhimashada dhammaan toddobadii qof ee saarnaa diyaaradda, oo ay ku jireen muwaadiniin ka kala socday Qatar iyo Turkiga.

