Baydhabo – Warar is daba joog ah oo laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya kuwa mucaaradka Koonfur Galbeed, ay gudaha u galeen qaybo kamid ah magaalada kadib dagaallo culus oo halkaasi ka dhacay.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamo gaaray xaafado ka tirsan bartamaha magaalada, halka saraakiil ay ku jiraan wasiirka xanaanada xoolaha Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ay gudaha u galeen Baydhabo. Dowladda ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay qaybo kamid ah magaalada, isla markaana ay qabteen maxaabiis la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamo daacad u ahaa maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaallada ayaa la sheegay inay u dhexeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa isku magacaabay “Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed” oo dhinac ah, iyo ciidamo taabacsan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Qaar ka mid ah dhinacyada dagaallamaya ayaa guulo kala duwan ka sheegtay iska horimaadyada, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in xaalad cabsi leh ay ka jirto magaalada, iyadoo ay istaageen isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha, sidoo kalena la xiray goobaha waxbarashada iyo ganacsiga badankood. Qaar ka mid ah shacabka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda cabsi la xiriirta dagaallada.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin xarumaha muhiimka ah sida madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha, iyadoo la sheegay in aan loo oggolaan in ciidamada kale ay u dhowaadaan goobahaas.
Diyaarado dagaal ayaa la arkayay iyagoo dul maraya magaalada, kuwaas oo la sheegay inay taageerayaan howlgalada socda. Dhinaca kale, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ciidamada dowladda si buuxda ula wareegi doonaan magaalada, hadalkaas oo sii kordhiyay walaaca shacabka.
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli kacsan, waxaana si joogto ah loo maqlayaa rasaas, iyadoo aan wali la hayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallada.

