Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaNISA oo shaacisay horjoogayaal lagu dilay howlgalladii u dambeeyay

NISA oo shaacisay horjoogayaal lagu dilay howlgalladii u dambeeyay

Muqdisho – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgallo qorshaysan oo ay fulisay, iyada oo kaashaneysa saaxiibada caalamka, lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab 10-kii bilood ee la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalladan ay isugu jireen duqeymo iyo weerarro dhulka ah, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday hoggaanka sare, xarumaha istaraatiijiga ah, iyo shabakadaha dhaqaale ee kooxda.

Hay’adda ayaa xustay in horjoogayaasha la dilay ay door muhiim ah ku lahaayeen abaabulka weerarrada, qorsheynta falalka argagixiso, iyo hagidda dhaq-dhaqaaqyada kooxda. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in bartilmaameedsiga hoggaamiyeyaashan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

NISA waxay sheegtay in guulaha laga gaaray howlgalladan ay ka dhasheen iskaashi dhow oo u dhexeeya ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, taas oo sare u qaaday awoodda sirdoonka iyo fulinta howlgallada qorsheysan.

Hay’adda ayaa sidoo kale caddeysay in dilka horjoogayaashan uu si weyn u wiiqay awooddii kooxda, isla markaana hoos u dhigay awooddooda abaabul iyo fulin ee gudaha dalka.

halkaan ka eeg Liiska magacyada horjoogayaasha lagu dilay howlgalladan

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular