BAYDHABO, Maarso 31, 2026 – Xaaladda magaalada Baydhabo, oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa saaka ah mid degan kadib isbeddello waaweyn oo dhanka amniga iyo siyaasadda ah oo ka dhacay magaalada saacadihii la soo dhaafay. Wararka ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ay ku wajahan yihiin magaalada. Wafdigan waxaa qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka, Cali Xoosh, iyo xildhibaanno horay si adag uga soo horjeeday hoggaankii hore ee maamulka.
Ujeeddada socdaalka Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa mas’uuliyiinta cusub, saraakiisha ciidamada dowladda ee la wareegay magaalada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga tashado mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed. Isbeddelkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, gaar ahaan xarumaha muhiimka ah sida Madaxtooyada. Waxaa la xaqiijiyay in madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), uu gelinkii dambe ee shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, isagoo xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shacabkii horay uga barakacay xaafadaha qaar ee magaalada, cabsi ay ka qabeen iska horimaadyo hubeysan, ayaa saaka bilaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda. Ganacsiga iyo isu-socodka dadweynaha ayaa si tartiib-tartiib ah dib usoo laabanaya, iyadoo ammaanka magaalada ay si weyn u adkeeyeen ciidamada federaalka. Wafdiga Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa la filayaa inay degaan dhismaha Madaxtooyada ee uu horay ugu shaqaynayay madaxweynihii is-casilay, halkaas oo ay ka sii socon doonaan dadaallada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee ka jirta gobolka.

