Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Duqa magaalada Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Duqa magaalada Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Baydhabo kula kulmay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada, Cabdullaahi Cali Watiin.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee magaalada Baydhabo, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada. Madaxweynaha ayaa Duqa magaalada ka dhageystay warbixin ku saabsan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, horumarka laga sameeyey adeegyada aasaasiga ah iyo caqabadaha wali taagan ee u baahan iskaashi heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shaqada maamulka degmada Baydhabo, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo amni waara, horumar muuqda iyo adeegyo bulsho oo tayo leh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ku shaqada leh in la dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijyada gurmadka, si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona horumariyo kaabeyaasha nolosha ee magaalada.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular