Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaGuddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Xilliga ay Dhacayso Doorashada Qof iyo Cod ee...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Xilliga ay Dhacayso Doorashada Qof iyo Cod ee Koonfur Galbeed

BAYDHABO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Aqalka Wakiillada ee Koonfur Galbeed ay dhici doonto 28-ka bishan Abriil, 2026.

Guddoomiyaha oo galabta gaaray magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in qorshahani uu qayb ka yahay hannaanka cusub ee doorashooyinka tooska ah ee qof iyo cod, kaas oo dalka laga hirgelinayo. Mudane Cabdikariim ayaa xusay in 45 maalmood gudahood ay Koonfur Galbeed ku yeelan doonto xildhibaanno iyo Madaxweyne ay shacabku si toos ah u soo doorteen, isagoo intaas ku daray in la kordhiyay waqtiga diiwaangelinta codbixiyeyaasha si muwaadiniin badan ay fursad u helaan.

Ka hor shaacinta xilliga doorashada, Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay u diyaar-garowga ugu dambeeya ee doorashada iyo sidii loo xaqiijin lahaa jawi hufan oo nabad ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa ka dib markii uu isbeddel ku yimid hoggaanka maamulka, iyadoo meesha laga saaray nidaamkii hore ee dadbanaa, laguna beddelay doorasho toos ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay khudbad ka jeediyay Baydhabo, ayaa ku tilmaamay Koonfur Galbeed deegaankii ugu horreeyay ee dalka laga hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod ah oo heerkan gaarsiisan.

n kasta oo Puntland ay horay u qabatay doorashooyin deegaan oo qof iyo cod ah, haddana hannaanka Koonfur Galbeed ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo ka baaxad weyn. Tani waa markii ugu horreysay ee maamul federaal ah uu hal mar wada qabanayo doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Aqalka Wakiillada, taas oo waddada u xaaraysa in markii u horreysay shacabku si toos ah u soo doortaan Madaxweynaha maamulka. Tallaabadan ayaa la filayaa in ay gabi ahaanba dib u qaabayso loolanka siyaasadeed iyo sharciyadda hoggaamineed ee gobolka, iyadoo meesha ka saaraysa nidaamkii hore ee dadbanaa.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular