Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, isaga oo ku eedeeyay inuu ka baxay heshiisyo hore oo la xiriiray hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay hayso caddeymo muujinaya in Lafta-gareen uu hore u saxiixay heshiisyo ku saabsan doorasho toos ah, balse hadda uu diidan yahay fulintooda.
“Nin heshiis nala galay oo aan caddeymo ka hayno ayaa hadda diidan, balse dib looma laabanayo,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa mar kale adkeeyay in dalka uusan dib ugu laaban doonin doorasho dadban, isagoo tilmaamay in nidaamkaasi uu dhammaaday, isla markaana hadda la joogo waqtigii shacabka si toos ah codkooda ugu dooran lahaayeen hoggaankooda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan in ka badan labaatan heshiis oo hore loo saxiixay kuwaas oo si cad u qeexaya hannaanka doorashooyinka, islamarkaana aan laga laaban karin.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan abaabulo qabiil oo ku wajahan magaalada Baydhabo, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan sal iyo raad lahayn.
Sidoo kale, wuxuu xusay in dhaqaalaha lagu maalgelinayo hirgelinta doorashada qof iyo cod uu yahay mid gudaha dalka laga helay, isagoo caddeeyay in aanay jirin wax taageero ah oo ka yimid dibadda.
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo salka ku haya hannaanka doorashooyinka dalka.

