Baydhabo, Abriil 3, 2026 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Cabdirashiid Jibriil, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, mas’uuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah, saraakiil ciidan iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.
Inta uu joogo Baydhabo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato hoggaanka KMG ah ee dowlad goboleedka, odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga, socodsiinta adeegyada dowladeed iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.
Sidoo kale, magaalada Baydhabo waxaa ka bilaabanaya kulamo looga hadlayo mustaqbalka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kadib isbeddelladii dhowaan lagu sameeyay hoggaanka maamulkaasi.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in intii uu Madaxweynaha gaarayay magaalada ay dhacday weerar hoobiyeyaal ah oo ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha, kaas oo sababay qalqal amni, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.
Booqashada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda federaalka ay dadaal ku bixinayso xasilinta Koonfur Galbeed iyo hirgelinta nidaam doorasho oo ku saleysan qof iyo cod.

