MUQDISHO – Warbaahinta Akhbaar Media oo muddo daba-gal iyo baaritaan ku haysay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Villa Somalia, ayaa heshay xog xasaasi ah oo ku saabsan qorshaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doonayo inuu dalka oo dhan kaga hirgeliyo doorashada qof iyo cod ah, isagoo gacanta ku dhigaya maamulka guud ee dalka.
Sida ay muujinayaan xogaha aan helnay, dowladda federaalku waxay diyaarinaysaa tallaabooyin is daba-joog ah oo saameyn doona maamulada aan weli u hoggaansamin amarrada madaxtooyada iyo mucaaradka.
Xogtan ayaa tilmaamaysa in howlgaladii ka dhacay Baydhabo oo kale la qorsheynayo in loo wareejiyo magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, iyadoo marmarsiiyo looga dhiganayo hirgelinta doorashooyinka tooska ah. Sidoo kale, magaalada Kismaayo ayaa qayb ka ah qorshaha saddexaad ee lagu xakamaynayo hoggaanka maamullada ka soo horjeeda isbeddelka dastuurka.
Dhanka kale, waxaa jira xog sheegaysa in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan gobolka Banaadir lagu wado in la galiyo xabsi guri ama la xaddido dhaqdhaqaaqooda si loo yareeyo saameyntooda.
Dhanka maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, madaxtooyada ayaan weli u qorsheyn inay wax dagaal ah la gasho. Sababta ayaa lagu sheegay inay tahay cabsi laga qabo in beelaha Abgaal iyo Habargidir ay kacdoon ka bilaabaan gudaha Muqdisho, taas oo khatar gelin karta amniga caasimadda. Madaxda maamulladaas ayaan ilaa hadda ka leexan tubta dowladda federaalka, marka laga reebo madaxweyne Qoorqoor oo isagu weli aan si cad u hambalyeyn isbeddelka dastuurka, balse u muuqda mid si taxaddar leh ula shaqeynaya dowladda Federaalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka, Cali Xoosh, ayaa maanta hadal u jeediyay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in isbeddelka socdaa uusan ku koobnayn hal maamul oo keliya. Wasiirka ayaa si cad u weeraray maamulada ay taageeraan dalalka shisheeye sida Kenya iyo Imaaraatka, isagoo sheegay in laga qaadi doono tallaabooyin degdeg ah.
Isku soo wada duuboo, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu dalka u yeelo weji cusub, balse xaqiiqda dhabta ah iyo natiijada qorshahan waxaa kala caddeyn doona waayaha iyo sida uu ku dambeeyo loolanka adag ee u dhexeeya Villa Somalia iyo maamul goboleedyada dalka

