Muqdisho — Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, isagoo ka digay halista ka dhalan karta xiisadda sii kordheysa.
Farmaajo ayaa sheegay in qorshaha ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya uu xanbaarsan yahay khataro keeni kara dhiillo siyaasadeed, taasoo uu tilmaamay inay saameyn ku yeelan karto xasilloonida guud ee deegaanka iyo badqabka shacabka.
Wuxuu sidoo kale xusay in xaaladda cakiran ay halis gelin karto dadaallada socda ee la xiriira geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in si taxaddar leh loo wajaho arrimaha taagan.
Madaxweynihii hore ayaa hoosta ka xarriiqay in weli ay jiraan fursado lagu xallin karo xiisadda, haddii ay Dowladda Federaalka muujiso niyad wanaag isla markaana ay bilowdo wadahadal dhab ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.
Hadalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

