Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaMidowga Yurub oo ku baaqay wada-hadal degdeg ah oo lagu xalliyo xiisadda...

Midowga Yurub oo ku baaqay wada-hadal degdeg ah oo lagu xalliyo xiisadda Koonfur Galbeed

Muqdisho — Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee sii cakirmeysa ee ka taagan Koonfur Galbeed, iyadoo ay isa soo tarayaan xiisadaha ka jira deegaannada maamulkaas.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in xafiiskeedu si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana ay muhiim tahay in la helo xal ku dhisan wada-hadal iyo is-afgarad.

“Wada-hadal wax dhisaya ayaa muhiim ah xilligan; dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhaweeyaa lana siiyo fursad ay ku mira dhalaan,” ayay tiri safiiradda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda ay muujiyaan is-xakameyn iyo masuuliyad siyaasadeed, si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac hor leh oo xaaladda sii murjin kara.

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay dadaallada dhexdhexaadinta ee socda, wuxuuna ugu baaqay madaxda iyo waxgaradka inay ka faa’iideystaan fursadaha nabadeed si loo gaaro xal waara oo u adeegaya danta shacabka.

Baaqan ayaa imaanaya xilli khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo saameyn ku yeeshay xaaladda guud ee amniga iyo xasilloonida deegaanadaas.

RELATED ARTICLES

Most Popular