Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaGuddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo dardargelinaya geeddi-socodka doorashooyinka

Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo dardargelinaya geeddi-socodka doorashooyinka

Baydhabo — Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Koonfur Galbeed ayaa kulan wada-tashi ah la yeeshay odeyaasha dhaqanka, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta hannaanka doorashooyinka ee maamulkaasi.

Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee odeyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin hirgelinta doorashooyin hufan, wacyigelinta bulshada, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dadweynaha.

Guddiga ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo xaqiijiyo in doorashooyinku u dhacaan si nabdoon, cadaalad ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Dhankooda, odeyaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay kulanka, iyagoo muujiyay diyaar garow buuxa oo ay ku taageerayaan hannaanka doorashooyinka, isla markaana ku baaqay in la joogteeyo wada-tashiyada noocan oo kale ah si loo xoojiyo kalsoonida bulshada.

Dhinaca kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in saaxadda siyaasadeed ee doorashooyinka ay u furan tahay cid kasta oo danaynaysa inay ka qayb qaadato, iyadoo la ballan qaaday in la ilaalin doono amniga musharixiinta iyo dhammaan dhinacyada ka qeyb galaya.

Go’aamadan ayaa imaanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu dardargelinayo doorashooyinka dadban ee maamulka.

RELATED ARTICLES

Most Popular