Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska AFRICOM oo ka wada hadlay xoojinta...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska AFRICOM oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga

Muqdisho — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika (SOCAF), Claude K. Tudor, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda kordhinta tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, iyo bixinta taageero farsamo oo sare u qaadaysa awoodda ciidanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta u dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, gaar ahaan howlgalada wadajirka ah ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay sii socdaan dadaallada Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay ku doonayaan xasilinta dalka iyo wiiqista awoodda kooxaha argagixisada.

RELATED ARTICLES

Most Popular