Muqdisho — Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub), kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Wasiirrada ayaa lagu shaaciyay in xilkaasi loo magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo noqonaya Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in xil ka qaadista Taliye Shub ay la xiriirto arrimo siyaasadeed iyo xiriirka uu la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in kadib xil ka qaadista, ciidamo ka tirsan dowladda la wareegeen guriga uu Muqdisho ka deganaa Taliyihii hore, isla markaana lagu wargeliyay inuu ku ekaado gudaha hoygiisa, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay oo arrintan xaqiijinaya.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in laga qaaday ilaaladii gaarka ahayd, iyadoo arrintan ay dhalisay falcelin siyaasadeed. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo masuuliyiin hore ayaa ku baaqay in la ixtiraamo xuquuqda muwaadinimo, islamarkaana aan la xakameyn dhaqdhaqaaqa taliyihii hore haddii uusan jirin amar sharci ah.
Dhanka kale, dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha la xiriira xannibaadda lagu soo rogay Taliye Shub, iyadoo xaaladdan ay imaneyso xilli ay sii kordhayaan isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda gobollada Koonfur Galbeed.

