Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo 28-ka Maarso 2026.
Doorashadan oo lagu tilmaamay mid deg-deg ah ayaa waxaa qabtay xildhibaannada Baarlamaanka saddexaad ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhowaan la shaaciyay isla markaana la dhaariyay. Natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa muujisay in Lafta-gareen uu helay 66 cod, halka musharraxa la tartamayey Cabdullaahi Xaaji Xasan uu helay 13 cod.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Fiqi, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo caddeeyay in Lafta-gareen si rasmi ah ugu guuleystay xilka madaxweynaha.
Doorashadan ayaa ku timid muddo kooban gudaheed, iyadoo 24 saac gudahood lagu soo dhisay hay’adaha ugu sarreeya maamulka, oo ay ku jiraan guddoonka Baarlamaanka. Waxaa sidoo kale guddoomiye ku xigeen labaad loo doortay Shamsa Maxamed Yarow.
Si kastaba ha ahaatee, dib-u-doorashada Lafta-gareen ayaa wajahaysa diidmo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah mucaaradka Koonfur Galbeed, kuwaas oo horey uga soo horjeestay qaabka ay u dhacday doorashadan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo, xilli xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni ay ka jiraan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa markii ugu horreysay xilkan loo doortay 18-kii Diseembar 2018, waxaana dib-u-doorashadiisan ay kusoo aadeysaa xilli ay jirto muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

