Baydhabo – Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xildhibaannada Baarlamaanka 3-aad ee maamulkaasi, kadib marxalado la xiriiray soo xulista iyo ansixinta xubnaha cusub.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in liiskan uu ka kooban yahay 95 mudane oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa xildhibaannimada, isla markaana lagu soo xulay hannaan waafaqsan nidaamka iyo xeerarka u degsan maamulka.
Xildhibaannada cusub ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Baydhabo, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga doorashooyinka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka. Intaasi kadib, xildhibaanadu waxay doorteen guddoomiye ku-meel-gaar ah, kaas oo ah Xasan Cabdi Nuur Aalbaro, si uu u hoggaamiyo howlaha bilowga ah ee Baarlamaanka.
Sida qorshuhu yahay, Baarlamaanka cusub ayaa maalmaha soo socda dooran doona guddoon rasmi ah, iyadoo sidoo kale la filayo in la guda galo doorashada madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa tilmaamay in dhismaha Baarlamaanka cusub uu muhiim u yahay dhameystirka hay’adaha dowlad-goboleedka iyo dardargelinta howlaha siyaasadeed iyo horumarineed ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkan ayaa yimid iyadoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka. Waxaa sidoo kale jira diidmo ay muujiyeen qaar ka mid ah mucaaradka iyo dhinacyo kale oo siyaasadeed, kuwaas oo walaac ka qaba hufnaanta iyo sharciyadda habka loo maray soo xulista Baarlamaanka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaaladda amni ee deegaannada maamulka ay weli tahay mid feejignaan leh, iyadoo maamulka uu kordhiyay ciidamo la geeyay duleedyada si loo sugo amniga inta ay socoto hannaanka doorashooyinka.
halkaan ka eeg liiska xildhibaannada cusub ee KGS


,

