Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaQM: 45 kun oo qof ayaa ku barakacay xiisadda ka taagan Koonfur...

QM: 45 kun oo qof ayaa ku barakacay xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda sii kordheysa ee ka taagan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo sheegtay in xaaladda ay saameyn ballaaran ku yeelatay shacabka rayidka ah.

War kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 45,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku dhow, kadib xiisadaha colaadeed ee halkaas ka taagan. Dadkan ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda, iyagoo u guuray meelo ay ku yar yihiin adeegyada aasaasiga ah.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay in xaaladda bani’aadannimo ay sii xumaan karto haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafka inay ilaaliyaan dadka rayidka ah, isla markaana ay fududeeyaan gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

Dhanka kale, xafiisyada UNSOM iyo UNTMIS ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda, waxayna ku baaqeen in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed lagu xalliyo wadahadal.

“Khilaafaadka siyaasadeed waa in lagu xalliyaa wadahadal, lagana fogaadaa tallaabo kasta oo keeni karta iska hor imaad hubeysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa xusay in xiisadaha sii kordhaya ay khatar ku yihiin xasilloonida, amniga, midnimada qaranka iyo xaaladda bani’aadannimo ee dalka, iyagoo ku boorriyay dhinacyada inay muujiyaan dulqaad iyo mas’uuliyad siyaasadeed.

Baaqa Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed uu sii xoogeysanayo, iyadoo sidoo kale la soo wariyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo sare u qaaday cabsi laga qabo in xaaladdu isu beddesho isku dhac hubeysan.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa ku celisay baaqeeda ah in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, si looga hortago in xaaladda bani’aadannimo iyo amni ee dalka ay kasii darto.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular