Muqdisho — Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu burburiyay xarumo muhiim u ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xarumo qarsoodi ah oo kooxda u adeegsan jirtay farsameynta qaraxyada, dayactirka hubka iyo abaabulka dagaalyahannada. Inta lagu guda jiray howlgalkaas waxaa la burburiyay qalabkii farsamada, keyd hub ah iyo laba gaari oo loo diyaarinayay walxaha qarxa, waxaana lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray injineerro iyo maleeshiyaad.
Dhanka kale, howlgal labaad oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ka dhacay deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad la abaabulayay si ay weerarro u fuliyaan. Wajiga koowaad ee howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood, halka wajiga labaad lagu khaarijiyay sagaal kale oo ka firxaday weerarkii hore balse mar kale lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen.
Warsaxaafadeedka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, isla markaana lagu burburinayo xarumaha muhiimka u ah fulinta falalka argagixiso, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

